
Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland cabdifatax Mukhtar ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) in ay mar walba ku mashquulsan tahay “carqaladeyn iyo dagaal siyaasadeed” oo ay la beegsaneyso maamulka Jubbaland.
Wasiirku wuxuu si gaar ah u weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay “talo-diid” iyo “kala-qaybiye aan awood u lahayn mideynta ummadda Soomaaliyeed.” Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka uu sii xoogeystay.
“Jubbaland si buuxda ayay u taqaannaa doorka ay ciyaarayso”
Wasiirka ayaa xusay in maamulka Jubbaland yahay mid si buuxda u fahamsan kaalinta uu ka ciyaarayo siyaasadda dalka, isla markaana aysan aqbali doonin wax kasta oo lagu wiiqayo midnimadiisa iyo jiritaankiisa siyaasadeed. “DFS markasta oo ay ku hawlan tahay carqalad iyo dagaal ka dhan ah Jubbaland, waa inay ogaataa in Jubbaland si buuxda u taqaanno doorka ay ciyaarayso,” ayuu yidhi wasiirku.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland wuxuu tusaale u yahay caqabadaha wali heysta nidaamka federaalka Soomaaliya.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







