Wasaaradda Caafimaadka Jubaland Oo Daah-Furtay Mashruuca Xoojinta Adeegyada Tallaalka iyo Caafimaadka Aasaasiga ah ee Gedo iyo Jubbada Hoose

0
124
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa maanta magaalada Kismaayo si rasmi ah uga daah-furay Mashruuca Xoojinta Adeegyada Tallaalka (EPI) iyo Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga ah (PHC), kaas oo laga hirgelin doono degmooyin ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.
Mashruucan waxaa maalgelinaysa Dowladda Jamhuuriyadda Kuuriya, iyadoo taageerada farsamo iyo hirgelintiisaba lagu fulinayo iskaashi ay la leedahay UNICEF.
Munaasabadda daah-furka waxaa kasoo qayb galay qaar ka mid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, Isku-duweyaasha Caafimaadka Gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda, shaqaalaha xarumaha caafimaadka degmada Kismaayo, iyo wakiillo ka socday UNICEF.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray qorsheynta wadajirka ah iyo isku-dubbaridka howlaha lagu xoojinayo adeegyada tallaalka (EPI) iyo daryeelka caafimaadka aasaasiga ah (PHC), si loo kordhiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, gaar ahaan haweenka iyo carruurta ku nool gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada, kor u qaadidda heerka tallaalka carruurta, xoojinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah, iyo sare u qaadidda caafimaadka guud ee bulshada ku nool deegaannada bartilmaameedka u ah mashruuca