
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta degmada Luuq ka daahfuray imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay qaaddo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Jubbaland.
Munaasabadda daahfurka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada, xubno ka tirsan Wasaaradda waxbarashada iyo macallimiin.
Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ardayda kula dardaarmay inay muujiyaan dadaalkii iyo aqoontii ay soo barteen muddadii ay waxbarashada ku jireen, isaga oo ku boorriyay inay si kalsooni leh u galaan imtixaanka.
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay doorka ay macallimiinta iyo waalidiintu ka qaateen horumarinta waxbarashada iyo diyaarinta ardayda u fadhiisanaysa imtixaanka, isagoo u rajeeyay dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin wanaagsan.
Imtixaanka mideysan ee fasalka 8-aad ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday guud ahaan degmooyinka kala duwan ee Dowladda Jubbaland iyadoo boqolaal arday ay u fariisteen imtixaanka, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







