
Wasaaradda Warfaafinta Jubaland oo kaashaneysa Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa soo qaban-qaabisay tababar ku saabsan xirfadaha warbaahinta casriga ah, kaas oo loo qabanayo howl-wadeenada warbaahinta Jubaland.
Aqoon kororsigaan waxaa qaar kamid ah Suxufiyiinta lagu barayay hannaanka loo adeegsado warbaahinta casriga ah iyo kordhinta xirfaddooda ku aaddan adeegsiga baraha bulshada iyo mareegaha kale ee internet-ka.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Jubaland, Mudane Cabdifataax Maxamed Mukhtaar oo tababbarka furay ayaa waxaa uu ka qayb-galayaasha la wadaagay talooyin muhiim ah oo ka qayb-qaadanaya fududaynta howlahooda warbaahinta.
Wasiirka ayaa sidoo kale u sheegay wariyeyaasha inay sifiican uga faa’iidstaan internet ay heestaa.
Dhallinyarada fursadda u helay ka faa’iidaysiga aqoon-kororsigan ayaa dhankooda ka mahad-celiyay, waxa ayna sheegeen inay wax badan ka faa’iideen uuna ahaa tababbarkii ugu horreeyay nuuciisa ee loo qabto.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







