Wasaaradaha Caddaaladda iyo Amniga ee Jubbaland oo Degmada Doolow ku Qabtay Kulanka Madasha Furan ee Billaha ah

0
138
Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland ayaa maanta si wadajir ah u qabtay kulanka madasha furan ee billaha ah, kaas oo lagu qabtay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Madashan furan ayaa ah hannaan wadatashi bulsho ku saleysan oo lagu dhiirrigelinayo iskaashi iyo kalsooni ka dhexeysa bulshada rayidka ah iyo hay’adaha caddaaladda iyo amniga.
Shirka ayaa waxaa daahfuray Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Doolow, Marwo Hibo Xasan Xaashi.
Sidoo kale, waxaa ka soo qeyb galay xubno matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, booliska, dhalinyarada, haweenka, culimada, iyo bulshada rayidka ah guud ahaan.
Kulankan ayaa ahaa fursad muhiim ah oo lagu kobcinayay wada-shaqeynta iyo is-aaminaadda u dhexeysa bulshada iyo hay’adaha caddaaladda iyo amniga.
Ujeeddada ugu weyn waxay ahayd xoojinta isdhexgalka bulshada iyo hay’adaha amniga iyo caddaaladda, iyadoo bulshada la siiyay fursad ay ku dhiibtaan su’aalo, cabashooyin, iyo xogaha muhiimka ah, taasoo kor u qaadaysa wada-shaqeynta iyo kalsoonida labada dhinac