Dowladda Jubbaland oo si adag u cambaareysay tallaabadii sharci darrada ahayd ee Dowladda Federaalka ee wakhtigeedu dhammaaday ay ku hor istaagtay diyaarad dad shacab ah u sida magaalada Dhoobley.

0
130
Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa tallaabada sharci darrada ah ee Dowladda Federaalka ee wakhtigeedu dhammaaday ay maanta ku hor istaagtay
diyaaradda rayidka ah ee Maandeeq Air, lambarkeeduna yahay 5Y IFY, taas oo dad shacab ah ka qaaday magaalada Kismaayo kuna sii jeeday magaalada Dhoobley, laguna qasbay in ay u leexato magaalada Muqdisho ama ay ka degto Garoonka diyaaradaha Wajeer ee dalka Kenya.
Falkaan wuxuu si cad uga hor imaanayaa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee maamulaya duulimaadyada rayidka ah, kuwaas oo dhigaya in aan duulimaadyada shacabka iyo adeegyada rayidka loo adeegsan dano siyaasadeed ama faragelin aan sharci ahayn.
Dowladda Jubaland waxay u aragtaa arrintaan mid khatar ku ah badqabka rakaabka, xorriyadda isu socodka shacabka Soomaaliyeed, iyo kalsoonida guud ee nidaamka duulimaadyada rayidka ah ee dalka.
Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ee wakhtigeedu dhammaaday ay mar
kale hawada Soomaaliya u adeegsanayso aalad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Jubaland waxay ugu baaqaysaa hay’adaha caalamiga ah ee qaabilsan duulista
rayidka ah, gaar ahaan Hay’adda Calamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO) iyo dhammaan bahda caalamka, in ay si dhow ula socdaan xadgudubyadaan soo nognoqday ee ka dhanka ah duulimaadyada rayidka ah iyo xorriyadda socdaalka shacabka.
Ugu dambayn, Dowladda Jubaland waxay caddeynaysaa in aan la aqbali karin in shacabka Soomaaliyeed lagu cadaadiyo go’aamo siyaasadeed oo halis gelin kara badqabkooda iyo xuquugdooda aasaasiga ah.