
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Bulshada ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubaland Mudane Abshir Yuusuf ayaa furay tababar ku saabsan Maareynta Xaaladaha Duumada oo dhameystiran, kaas oo loo qabanayo shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee Gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan degmooyinka Kismaayo, Afmadow, Dhoobleey, Badhaadhe iyo Jamaame. Tababarkan ayaa socon doona muddo shan maalmood ah.
Tababarka waxaa goob joog ka ahaa Iskuduwaha Caafimaadka Gobolka Jubada Hoose CabdiRisaaq Jaamuus, Iskuduwaha Caafimaadka Degmada Kismaayo Maxamed Sheekh Aadan, iyo Kusimaha Madaxa Duumada Fartuun Cabdulqaadir.
Ujeeddada tababarkan ayaa ah xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka si ay si hufan ugu maareeyaan xaaladaha duumada, loona yareeyo saameynta cudurka ee bulshada. Sidoo kale, tababarkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada Wasaaradda Caafimaadka Jubaland ay ugu jirto horumarinta adeegyada caafimaadka iyo sare u qaadidda tayada daryeelka bulshada.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







