Hay’adda IOM oo tababar uqabatay 50 qof oo aragga naafo ka ah si loo xoojiyo noloshooda iyo ka qeybgalkooda bulshada

0
175
Hay’adda IOM oo kashaneysa Ururka Dhalinyarada Aragga Naafada ka ah (UDHAN) ayaa tababar muhiim ah u qabatay 50 qof oo aragga naafo ka ah kuwas oo ku nool Barakacyaasha Doolow si kor loogu qaado awooddooda nololeed iyo ka qeybgalka bulshada.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii dadka aragga la’ ay u heli lahaayeen xirfado iyo taageero u sahlaya inay si madax-bannaan ugu noolaadaan bulshada dhexdeeda.
Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale loo tababaray isticmaalka ulaha lagu socdo ee dadka aragga naafo ka ah, kuwaasi oo muhiim u ah badbaadadooda iyo fududeynta dhaq-dhaqaaqooda maalinlaha ah.
Tababarka ayaa qeyb weyn ka qaadanaya sare u qaadista kalsoonidooda iyo awoodda ay ugu dhex socon karaan goobaha kala duwan.
Dadkii ka faa’iideystay tababarka ayaa muujiyay farxad iyo rajo cusub, iyagoo sheegay in aqoonta iyo xirfadaha ay heleen ay wax weyn ka beddeli doonaan noloshooda.
Barnaamijka waxaa ka qeybgalay Madaxa mashariicda iyo xiriirka Hay’addaha Doolow Abdiqani Hassan Uumiye iyo Gudoomiyaha Geedweyne Yussuf Diriir Abdinuur.