W.Maaliyadda Dowladda Jubbaland oo maanta Kismaayo ku qabatay Wacyigelin ah ku aadan habraaca canshuuraha.

0
184

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay barnaamij wacyigelin ah oo ku saabsan habraaca canshuuraha.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Jubbaland, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Tamarta, Biyaha iyo Kheyraadka, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha Waaxda Dakhliga, , iyo ganacsato ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Barnaamijkan, oo muhiim u ah horumarinta ganacsiga, ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda wacyiga ganacsatada ee ku aaddan habraaca canshuuraha iyo doorka muhiimka ah ee canshuurtu ka qaadato dhismaha iyo horumarinta dowladda.

Suleymaan Cabdi Shakuur, oo ka mid ah ganacsatada ka qeyb gashay kulanka, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan barnaamijka, isagoo xusay in uu yahay mid dhiirrigelin u ah ganacsatada isla markaana xoojinaya xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo ganacsatada.

Agaasimaha Waaxda Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, Zakariye, cabdi cali ayaa sharaxay muhiimadda canshuurtu u leedahay horumarka dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in bixinta canshuuraha ay laf-dhabar u tahay iskaashi miro dhal ah oo dhex mara dowladda iyo ganacsatada.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland, Xuseen Raabi Kaahin, ayaa ka hadlay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo gaaro horumar waara.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Kheyraadka Dowladda Jubbaland, Axmed Xuseen Baraki, ayaa kulanka ka jeediyay khudbad uu ku adkeeyay muhiimadda canshuurtu u leedahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland, Ibraahim Xasan Cabdi, ayaa bogaadiyay ganacsatada, kuna dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh uga qeyb qaataan bixinta canshuuraha, si loo xaqiijiyo danta guud ee bulshada iyo horumarka dowladda.

Intii uu socday barnaamijka, waxaa sidoo kale shahaadooyin lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah ganacsatada iyo shirkadaha sida wanaagsan uga qeyb qaatay bixinta canshuuraha iyo la shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda, taasoo dhiirrigelin u ah ganacsatada kale.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubbaland, Axmed Cabdirisaaq, oo uga mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsatada.