Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo Doolow ku qabatay shir dib-u-eegis ah oo lagu falanqeeyay horumarka mashruuca BORESHA_NABAD iyo qorshayaasha 2026

0
189
Wazaarada qorsheynta maalgashiga iyo Iskaashiga xiriirka Caalamiga ah Dowlad Goboleedka Jubbaland ee kaashanayso haayada DRC ayaa qabatay shirka dib u eegista mashruuca BORESHA_NABAD ee ay si wadajir ah u fuliyaan haayadaha DRC iyo RACIDA.
Kulankan ayaa looga hadlay wax qabadkii labadii sano ee lasoo dhaafay iyo qorshaha ooga dagsan 2026 shaqooyinka hormarineed uu mashruuca ka qabto dhinacyada biyaha, beeraha, xoola dhaqatada iyo hormarinta ganacsiga gaar ahaan ururada haweenka.
Sidoo kale kulankan ayaa looga dooday daadajinta howlaha mashruuca iyo wada shaqeeynta daneeyaasha mashruuca sida Wazaaradaha ay gaarka u qusayso, maamulada degmooyinka, Bulshada ka faaiidaysata iyo Haayadaha.
Mashruucan ayaa waxaa maal galiyay midowga Europe iyo Haayadaha DRC iyo RACIDA oo fulinaayo.
Shirkan oo ka dhacay Degmada Dolow ayaa waxaa daah furay maamulka degmada, waxaana kasoo qayb galay Haayadaha fuliya mashaariicda hormarineed ee deegaanada dhaca Xuduudaha sida, IOM, DRC, RACIDA iyo FAO,
Ugu Dambayntii kulanka waxaa qayb ka ahaa Wazaaradaha xubinta ka ah mashruuca, sida, Wazaarada Biyaha, Wazaarada Beeraha iyo Waraabka, Wazaarada isbadalka Cimilada, Wazaarada xanaanada xoolaha, Wazaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka, Wazaarada Ganacsiga, Wazaarada Howlaha Guud iyo Guryeenyta, Haayada JUCRI iyo Gudiya ka kala socday qeeybaha Bulsahada.