
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa deeq raashin ah gaarsiisay deegaannada xeebaha, taas oo aay bixisay dowladda Kuwait, deeqdaan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo Qoysaska nugul ee la daalaa dhacaya xaalado nololeed oo adag.
Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa sheegay in gargaarkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu yareynayo saameynta xaaladaha bini’aadantinnimo ee ka jira qaar ka mid ah gobollada.
Wasaaradda Gargaarka ayaa sidoo kale xustay in ay sii wadi doonto dadaallada noocan oo kale ah, iyadoo kaashaneysa hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha saaxiibka ah, si loo hubiyo in gargaar la gaarsiiyo dadka ugu baahida badan.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa u mahad-caliya dowladda Kuwait, gargaarka ayaa kusoo aaday xilli ay si weyn ugu baahnaayeen dadka danyarta ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







