Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo Howlgallo Ballaaran ka Fuliyay Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, Jab Xooggan-na Gaarsiiyay Khawaariijta

0
167

Ciidanka daraawiishta jubbaland iyo kuwa kumaandooska danab ayaa howlgallo ka wada deegaano ka tirsan Gobolada jubada Hoose iyo jubbada dhaxe iyadoona ciidamada ay cagta mariyeen deegaano badan oo hoostaga sedaxda degma jilib xagar iyo degmada afmadoow

Deegaanada ay howlgalka ay ciidamada ay ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah deegaanka waraha qaley deegaanka farshabeel deegaanka jigees deegaanka qaawiley iyo deegaanka weelmaarow dhamaan deegaanadaasi oo hoostaga sedaxda degmo

Ciidmada ayaa intii ay howlgalka dhulka ay ku gudajireen ayaa waxaa barbar socday duqeymo dhanka cerka ah oo ay ka taageerayeen saaxiibada caalamka
Waxaa dhamaan maleeshiyaadkiii khawaariij ee ku sugnaa deegaanadaasi la gaarsiiyay jab xoogan waxaana laga dilay xubno muhiiim u ah argagaxisada

Sidoo kale ciidamada waxaa ay gacanta ku soo dhigeen oo ay soo furteen qoryo isugu jira bkm arbiijii qoryaha ak47 waxaana sidoo kale ciidamada ay gacanta ay ku soo dhigeen miinooyin ay ku dhibaateen rabeen shacabka soomaaliyeed

Ciidamada ayaa ku guleeystay dhamaan bartilmaameedyadii ay gabaab ka dhiganayeen argagaxisada oo ay ka soo abaabulijireen dhibaateenta shacabka ku sugan deeganada jubbaland