
Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Dawladda Jubbaland iyo kuwa Kumaandooska Danab ee CXDS ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah Argagixisada ka fuliyay Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxaha Argagixisada, iyadoo lagu guuleystay in la burburiyo xarumo muhiim ah oo ay isticmaalayeen.
Mas’uuliyiinta Ciidamada Gaarka ah Ee Boliska Jubbaland iyo saraakiisha CXDS ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo Nabadda iyo xasiloonida Deeganada Jubbaland, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga bulshada iyo ciidamada.