
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland mudane Geelle Mohamed Aaden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’addaha NIRAS/CERID.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta beeraha, Waraabka iyo taageerada mashaariicda lagu kobcinayo wax-soo saarka beeraleyda kunool deegaanada Jubbaland, sidoo kale labada dhinac waxay ka wada hadleen dardar gelinta mashaariicda socda iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada beeraha bulshada.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Wafdiga kasocday Hay’addaha NIRAS/CERID taageerada ay siiyaan Wasaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha caalamiga ah ee horumarinta Beeraha iyo Waraabka.
Dhankooda, wafdiga NIRAS/CERID ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay iney sii wadaan taageerada iyo xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







