Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Tamarta Jubbaland oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Biyaha XFS ayaa kulan la qaatay bah-wadaagta biyaha iyo fayadhowrka ee deegaanada Malkarie, Oda iyo Gawido, ee Degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.

0
151
Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Jubaland, oo uu wehliyo Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Fayadhowrka ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, ayaa kulan la yeeshay bah-wadaagta ka shaqeysa arrimaha biyaha iyo fayadhowrka ee deegaanada Malkarie, Oda iyo Gawido, ee Degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta nidaamka iskaashi ee u dhexeeya dowladda iyo shirkadaha biyaha ee gaarka loo leeyahay (Public Private Partnership), si loo xoojiyo loona yagleelo maamulka adeegyada biyaha ee deegaanadaas.
Ujeedka ayaa ah in la helo hab maamul oo waara, kaas oo suurtagelinaya in bulshada deegaanka ay si joogto ah u helaan biyo nadiif ah, isla markaana Tayadoodada iyo badqabkooda ay wasaaraddu hubisay.
Mashruucan oo qayb ka ah 𝐄𝐂𝐎 𝐕𝐢𝐥𝐥𝐚𝐠𝐞 𝐏𝐫𝐨𝐠𝐫𝐚𝐦𝐦𝐞, isla markaana ay taageerayso hay’ada UNICEF Somalia, iyadoo kaashanaysa hay’adda KfW ee iskaashiga Jarmalka, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaraayaa dhisidda nidaamyo biyo oo waara iyo xoojinta awoodda maamulka adeegyada biyaha ee reer miyiga (Rural Water Management Model), si loo daboolo baahiyaha bulshada ku nool deegaanadaas.
Sidoo kale, kulankan wuxuu muhiim u yahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda, hay’adaha samafalka iyo shirkadaha biyaha ee gaarka loo leeyahay, taas oo door weyn ka qaadan doonta horumarinta adeegyada biyaha iyo fayadhowrka ee gobolka Gedo.