Koonfur Afrika Ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay dab qabsaday dhismo

439

Ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhintay in ka badan 43 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhismo dhowr dabaq ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo shaqaalaha gurmadka.

Afhayeenka Adeegyada Maareynta Degdegga ah ee Johannesburg, Robert Mulaudzi ayaa sheegay in dabku uu baabi’iyay dhismo ku yaalla bartamaha suuqa ganacsiga ee magaaladaasi.

Ugu yaraan hal cunug ayaa ka mid ah dadka dhintay, waxaana dadki ku  dhaawacmay dabkana lagu daweynayaa xarumo caafimaad oo kala duwan.

Maamulka ayaa sheegay in aysan cadeyn waxa dhaliyay dabka ka kacay dhismaha shan dabaq ah oo ku yaala bartamaha magaalada saacadihii hore ee maanta.

Dhismahaasi gubtay ayaa la sheegay in inta badan ay degan yihiin dadka aan sharciga lahayn  ee soo galootiga.