Maamulka dowlada Hoose ee Kismaayo oo qabtay shir looga arinsanayay sugida ammaanka munaasabada maalmaha ciida ee nagu soo wajahan .

0
166
Shir muhiim ah oo looga hadlayay xoojinta amniga inta lagu guda jiro dabaal-degga munaasabadda Ciidda ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Shirka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Degmada Kismaayo, mudane Najiib Bare Salaad, ayaa diiradda lagu saaray sugidda nabadgelyada guud ee magaalada, gaar ahaan goobaha lagu tukado salaadaha Ciidda iyo meelaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay xal u helidda ciriiriga gaadiidka ee ka jira waddooyinka qaar, iyadoo la qorsheynayo in dib loo furo waddooyin xiran si loo fududeeyo isu socodka.
Ugu dambayn, waalidiinta ayaa loogu baaqay inay feejignaan gaar ah u yeeshaan carruurta ay la tagayaan goobaha dadweynaha, si looga hortago inay ku dhex lunto saxmadda.