
Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland ee ku sugan degmada Doolow ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaanno hoos yimaada degmadaas, kuwaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, iyadoo bulshada ay isu diyaarinayso munaasabado iyo damaashaadka Ciid..
Ciidamada ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay tahay ka hortagga wax kasta oo carqaladeyn kara farxadda iyo nabadda shacabka.
Taliyaha Amniga degmada Doolow, Mohamed Hassan Buulle, oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta ay sii wadi doonaan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo, si shacabka ku dhaqan degmada iyo deegaannada ku hareeraysan ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.
Saraakiisha ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay soo sheegaan cid kasta oo looga shakiyo falal amni darro, si loo xoojiyo wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







