
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamad Cusmaan Jaamac (Jeemis), oo maalmahan safar shaqo ku jooga degmada Afmadow ayaa maanta kulan is-xogwareysi ah la yeeshay guddiga gurmadka abaaraha ee degmada.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ee ka jirta degmada Afmadow iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaartu, gaar ahaan qoysaska xoolahooda ay abaaruhu saameeyeen.
Wasiir Ku-xigeenka ayaa maamulka degmada iyo guddiga uga mahadceliyay sida ay isku xilqaameen islamarkaana ay u garab istaageen bulshada abaarahu sameeyeen, isagoo ku bogaadiyay doorka ay ka qaadanayaan gurmadka iyo taageerada dadka ay dhibaatadu gaartay.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Jubbaland ay dadaal badan ku bixinayso sidii gurmad degdeg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay abaartu saameysay, isla markaana ay ka go’an tahay in la xoojiyo qorshayaasha lagu yareynayo saameynta abaaraha.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladda, maamulka degmada iyo bulshada si xal waara loogu helo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







