Sarre u kac ku imaaday Qiimaha hilibka, Suuqyada Magalada kismaayo

1854

Suuqyada lagu iibiyo hilibka xoolaha ee magaalada Kismaayo oo laga dareemayo sara u kac dhanka qiimaha ah xoolaha,ka dib markii ay yaraadeen xoolaha imaada suuqa xoolaha ee magaalada Kismaayo.

Dadka ka ganacsada hilibka xoolaha oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dadkii xoola dhaqatada ahaa ee xoolaha keensan jiray suuqa xoolaha ay fogaadeen,maadama abaaro iyo daaq la’aan ay hayaan xoolaha oo ay ku jiraan xili adag.

Kiilaha Hilibka Geela ayaa suuqa Kismaayo ka ahaa 100,000 halka hadda uu yahay 130,000 sh dalka ah.

Kiilaha Hilibka Adhiga ayaa isagana maraya 140 shillin taas aad uga saraysa qiimaha markii lagu iibin jiray oo ahaa 110,000.

Hodan Cabdirahmaan oo ah dadka sida joogtada u iibsada hilibka ayaa ka warantay saamaynta u uku yeeshay .

Maxamed cusman adan  dhuuf  waxaa uu ka mid  yahay ganacsatada ka ganacsada hilibka geela, waxaa uu ka warbixinaya saamaynta uu ku yeeshay ganacsigiisa xoolaha yaraaday iyo sida dadkii ku xidhnaa ay uga iibsadaan hilibka markii qiimaha la kordhiyey.

Maxamed Cays Maxamed waa Ganacsade ka ganacsada hilibka xoolaha waxaa uu ka waramaya isbadalka jira.