Caratuur iyo biyo xireen lagu sameeyay goobaha aadka halista u ah ee ay ku fatihi karaan wabiyada Jubba

60

Hey’adda Maareeynta Musiiboyinka Soomaaliyeed ee SoDMA oo Horay u soo saartay xaruneeda ka digista halis wadareedka Saadaasha Roobab ayaa horay u soo saartay digniino ku aaddan cabsi laga qabo Roobka Gu’ga iyo daadad sababi kara in ay ka dhashaan fatahaado ay ka geystaan wabiyada deegaanadada ay ku  teedsan yihiin Jubba iyo Shabeelle.

Digniinaha ayaa soo baxay xilli laga cabsi qabay in ay dhacdo dufaantii Elnino oo ay si xooggan uga digeysay xaruntaa sadaalisa roobabka iyadoo u direeysay digniino iyo talooyin si loogu feejignaado saameynta  ay roobabka Gu’ga ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

SoDMA ayaa xalay Caratuur iyo xiritaan ku sameeysay goobaha aadka halista u ah ee  laga cabsi qabo in ay ka bilowdaan  fatihaada labada  wabi ee  Jubba iyo Daawo ee maraa degmada Doloow ee gobolka Gedo.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa kumanaan jawaan iyo qalabyo muhiim u ah ka hortagga fatahaada u qeeybisay dadka dagan hareeraha wabiyada, iyada oo goobaha qaar ee wabigu ka jilicsanyahay caratuur ay ku samaysay.