
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa maanta kulan muhiim ah xarunta Wasaaradda kula yeeshay saraakiil ka socotay United Nations Police (UNPOL) ee ka howlgala Jubbaland.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Amniga iyo Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jubbaland, Xildhibaan Deeq Isaaq.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta iskaashiga dhinaca amniga ee u dhexeeya Wasaaradda Amniga Gudaha iyo UNPOL.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay taageerada howlaha booliska, horumarinta tayada iyo xirfadaha ciidanka, iyo dardargelinta dadaallada lagu sugayo nabadgelyada deegaannada Jubbaland.
Labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo lagu xoojinayo amniga, korna loogu qaadayo awoodda hay’adaha amniga, si ay door muuqda uga qaataan xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka Jubbaland.
Wasiiru Dowlaha ayaa uga mahadceliyay saraakiisha UNPOL taageerada ay siiyaan hay’adaha amniga, isagoo xusay in Dowladda Jubbaland ay ka go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta miro-dhalka ah ee lagu xaqiijinayo amni waara.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







