Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Dowladda Jubbaland oo kulan la qaatay masuuliyiin ka socday Hay’adda FAO.

0
167
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddalka Cimilada dowladda Jubbaland, Mudane Caydiid Suleymaan Xaashi, ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay Wasaaradda la yeelatay madax ka socotay Hay’adda FAO.
Kulankan, oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hirgelinta mashruuca Ugbaad, kaas oo uu maalgaliyay Sanduuqa Maalgalinta Cimilada (GCF), isla markaana looga faa’iidaysanayo fursadaha horumarineed ee deegaanka iyo wax-soosaarka beeraha.
Shirkan ayaa daba socday kulamo farsamo oo horey looga wadahadlay arrimaha mashruuca, waxaana diiradda lagu saaray horumarinta istaraatiijiyadda fulinta, isku xirka hay’adaha bahwadaagta ah, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaraddaha iyo FAO, si loo hubiyo in mashruucu gaaro yoolkiisa horumarineed.
Wajigii koowaad ee kulanka ayaa kusoo dhamaaday isfaham buuxa, iyadoo dhinacyadu ay isku raaceen in la badiyo kulamada iyo wadahadallada farsamo si joogto ah, si looga arrinsado arrimaha hortabinta u leh hirgelinta mashruuca, loona xaqiijiyo in howsha mashruuca Ugbaad ay u socoto si hufan, waxtar leh, oo waafaqsan qorshayaasha deegaanka iyo cimilada ee Jubbaland.