
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubaland, Mudane Mohamed Nunow, oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socday hay’adda IOM, uuna ka mid yahay Madaxa Ergada Hay’adda IOM ee Soomaaliya, ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanka Yoontooy, halkaas oo laga hirgelinayo mashruuca biyo-gelinta magaalada Kismaayo.
Intii ay booqashadu socotay, wafdiga ayaa kulammo is-xogwareysi ah la yeeshay injineerrada iyo shaqaalaha mashruuca, iyagoo ka dhageystay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan heerka uu marayo mashruucu, horumarka la gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu dardar-gelinayo si mashruucu guul ugu dhammaado, isla markaana waqtigii loo asteeyay lagu soo gabagabeeyo.
Wafdiga ayaa sidoo kale booqday haanta weyn ee keydinta iyo qaybinta biyaha, taas oo sahli doonta in biyaha si habsami leh u gaaraan degmada Kismaayo.
Wakaaladda Biyaha Dowladda Jubaland, oo kaashanaysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Jubaland, ayaa heer gabagabo ah marinaysa mashruucan ballaaran ee biyo-gelinta magaalada Kismaayo, kaas oo laga soo jiidayo jiinka Wabiga Jubba ee deegaanka Yoontooy.
Mashruucan ayaa ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee laga fuliyo Soomaaliya, waxaana maalgelinaya Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB), halka ay fulinayso hay’adda IOM.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







