
Wacyigelinta bulshada waa tiir muhiim u ah horumarka bulsho iyo dowladnimo. Waxay gacan ka geysataa in dadku fahmaan xuquuqdooda, waajibaadkooda, iyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin.
Marka bulsho la wacyigeliyo, waxaa kordha ka-qaybgalka dadweynaha ee arrimaha qaranka iyo kuwa deegaanka.
Wacyigelintu waxay sidoo kale ka hortagtaa jahawareer, warar khaldan, iyo faham-la’aan keeni karta khilaaf ama adeegyo si qaldan loo adeegsado.
Bulsho wacyi leh waxay si fiican u la shaqeysaa hay’adaha dowladda, taas oo sahasha hirgelinta qorshayaasha horumarineed.
Sidoo kale, wacyigelinta waxay sare u qaaddaa mas’uuliyadda bulshada, dhiirrigelisaa ilaalinta hantida guud, iyo xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha.
Ugu dambeyn, wacyigelin joogto ah waxay dhistaa bulsho aqoon leh, ka warqabta isbeddellada, kana qayb qaadata horumar waara.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







