
Ciidamada Dowladda Jubaland ayaa goor hore oo saaka ah fashiliyay weerar ay Kooxaha Khawaariijta ah kusoo qaadeen Deegaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.
Sida ay saraakiisha Ciidamadu xaqiijiyeen, saddex gaari oo labo kamid ah ay saarnaayeen qoryaha suuga loo yaqaano ayay Ciidamadu ka gubeen Khawaariijta, iyadoo sidoo kale khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu cadowga kasoo gaaray dagaalka.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in marka ay soo dhammeeyaan uruurinta xogta khasaaraha cadowga kasoo gaaray dagaalka saaka, ay soo saari doonaan warbixin rasmi ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







