Wasiirka Qorshaynta dowladda Jubbaland oo kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Sweden Soomaaliya

0
175
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan kooxda farsamada Wasaaradda, kana mid yahay Agaasimaha Guud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Hans Henric Lundquist iyo Madaxa Iskaashiga Horumarka iyo Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Safaaradda Sweden.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaarta ka jirta Jubaland, Qorshaha Horumarinta Jubaland, iyo sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sweden doorkeeda joogtada ah ee ay ka qaadanayso dowlad-dhiska, horumarka iyo taageerada ay siiso Jubaland, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.