
Degmada Dhobley ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa booqasho shaqo ku tegay Madaxa Qeybta Duumada (Malaria) ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, Mudane Cabdiqadar Maxamed Cali.
Mudane Cabdiqadar Maxamed Cali ayaa booqday xarumaha caafimaadka ee degmada, oo ay ka mid yihiin Isbitaalka Guud ee Dhobley, qeybta cusub ee SC, iyo xarumo kale oo bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka waxaana kusoo dhaweye kusimaha Isku-duwaha Caafimaadka Degmada Dhobley ahna Madaxa Xogta Caafimaadka Mudane Mowlid.
Kaddib kormeerka, ayuu shaqaalaha xarumaha kula dardaarmay in ay waajibaadkooda u gutaan si hufan, xilkasnimo iyo daacadnimo leh.
Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ay ka go’an tahay in la daboolo baahiyaha caafimaad ee ka jira degmada, si bulshada deegaanka ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh oo waxtar u leh.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







