Afmadow 100-qoys oo abaaraha saameeyeen oo la gaarsiiyay deeq raashiina.

0
222
Guddoomiyaha dagmada Afmadow Cabdiraxmaan Macallin Cali(Xaaji Maaji) oo uu weheliyo agaasimaha maaliyadda degmada ayaa deeq raashin ah gaarsiyay boqol qoys oo ka mida dadkii abaaraha ay saameeyeen ee soo gaadhay degmada Afmadow.
Deeqdan raashinka oo ay soo uruuriyeen maamulka degmada Afmadow ayaa loo qaybiyay in ka badan boqol qoys oo danyar ah.
Dadka la gaarsiiyey deeqda ayaa u badan dadka ku barakacay abaaraha iyo roob la’aanta.
guddoomiyaha dagmada Afmadow ayaa baaq u diray hay’adaha gargaarka, Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Jubbaland in gurmad deg deg ah la soo gaaran dadka ku barakacay abaaraha ee ku biiraya xeryaha barakaca degmada Afmadow.