Cutubyo ka tirsan ciidanka nabad sugida Dowladda Jubbland oo tababar loogu soo xirey Kaambooni.

0
164
Agasimaha Guud ee Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Dowladda Jubbaland (JISA) Maxamed Axmed Sabriye ( Bassaam) ayaa  si rasmi ah ugu soo xiray deegaanka Raaskambooni ee degmada Badhaadhe tababar ciidan oo heer sare ah Guutada Hanqadh ee Nabad Sugida iyo Sirdonka Dowladda Jubbaland.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda tayada, xirfadda iyo awoodda hawlgal ee ciidamada Jubbaland.
Cutubyada tababarkan qaatay ayaa si gaar ah loogu carbiyay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab, iyaga oo lagu tababaray farsamooyin casri ah oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna xoojinayo awoodda dib-u-soo celinta Degmada Badhaadhe iyo sugidda ammaanka deegaannada hoos yimaada.
Tababaradan joogtada ah ee lagu xoojinayo ciidamada amniga ayaa si cad u muujinaya sida ay Dowladda Jubbaland uga go’an tahay sugidda nabadda, ciribtirka argagixisada, iyo dhismaha hay’ado amni oo leh tayo, karti iyo diyaargarow buuxa.
Waxa ay sidoo kale saldhig u noqonayaan horumar dowladnimo, xasillooni waarta, iyo mustaqbal ammaan ah oo ay helaan shacabka Reer Jubbaland.