Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan khawaarijta.

0
239
Ciidanka Daraawiishta Jubaland, gaar ahaan Guutada Birjeex, iyo Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ururka 162 oo iskaashanaya, ayaa  fuliyay howlgal amni oo si wanaagsan loo qorsheeyay. Howlgalkan ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla galbeedka degmada Buula Xaaji, kuwaas oo ay ka mid yihiin Aaga Wada-jir, Xaliimo Cadey, Boqoqaha, Karas Kukiye iyo Hajini.
Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa ku dilay in ka badan 12 dhagar-qabe, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay godad ay dhulka hoostiisa ah.
Ciidamada ayaa si buuxda u burburiyay godadkii ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Sidoo kale, dhagar-qabayaasha ayaa isku dayay inay miinooyin ku dhibaateeyaan shacabka inta u dhexeysa Buula Xaaji iyo Biroole, balse ciidamada ayaa ku guuleystay inay si nabad ah u furaan miinooyinkaas, iyaga oo ka hortagay waxyeello soo gaari lahayd dadka rayidka ah.
Ciidamada Daraawiishta Jubaland iyo Kumaandooska Danab ayaa mar walba u taagan ilaalinta badbaadada, nabadda iyo amniga shacabka.