Maamulka iyo bulshada deegaanka Qooqaani oo ka wada hadlay baaxadda abaarta iyo gurmadka degdegga ah

0
222
Shirkan oo ay isugu yimaadeen maamulka deeganka Qooqaani, Saraakiisha amniga, waxgaradka, iyo bulshada qaar kamida ayaa diiradda lagu saarayay xaaladihi u dambeeyay ee abaaraha iyo saamaynta adag ee ay ku yeelatay tuulooyinka miyiga ee hoos yimaadda deegaanka Qooqaani, ee gobolka Jubada hoose.
Kulankan ayaa inta badan looga dooday sidii gurmad loogu fidini lahaa dadka ay sida daran u saameysay abaarta, waxaana intii kulankan uu socday lagu soo bandhigay baaxadda abaarta iyo saamaynta taban ee ay ku reebtay dadka ree guuraaga ee ku dhaqan deegaanka Qooqaani iyo deegaanada hoos yimaada.
Sidoo kale, marki uu kulanka soo idlaaday, guddoomiyaha deegaanka qooqaani oo uu weheliyo taliyaha amniga qooqaani ayaa kormeer ku tagay ceelaasha deegaanka oo ay si wayn u soo buux dhaafiyeen xoola ka kala yimid deegaanada Jubbaland iyo gobolka woqooyi bari ee kiinya, kuwaasi oo ay si wayn u saameysay abaaraha ka jira dalka.