Barnaamij Gaar ah: Sida bulshooyinkeennu ula qabsan karaan saameynta isbeddelka cimilada

0
302

Barnaamijkan waxa uu diiradda saarayaa sida bulshooyinkeennu ula qabsan karaan saameynta isbeddelka cimilada, sida abaaraha, roobabka yaraada iyo kulaylka sii kordhaya, iyo doorka weyn ee ay dhir-beertistu ka qaadan karto ilaalinta deegaanka, hagaajinta nolosha dadka iyo yaraynta saameynta isbeddelka cimilada.

Waxaan si gaar ah u eegi doonnaa tallaabooyin fudud oo la qaadi karo, wacyigelin iyo tusaalooyin muujinaya in la-qabsigu uu yahay mas’uuliyad wadajir ah oo u baahan ka qaybgal bulsho, dowlad iyo shakhsi kasta.