
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyo wafdi ay hogaaminayso.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka ku nool deegaannada qaar, Dowladda Jubbaland ayaa bilihii lasoo dhaafay gurmad baaxad leh ka samaysay abaaraha iyadoo kaalmo kala duwan gaarsiisay dadka ay dhibaatadu gaartay.
Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka golaha shacabka oo qaybo badan oo dalka kamid ah kasocota.