Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo gudoomiyay shirka golaha wasiirada Dowladda Jubbland

0
75
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, kaas oo lagu gorfeeyay qodobo kala duwan.
Ugu horreyn, Golaha Wasiirradu waxa ay falanqeyn iyo dood qoto dheer ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha siyaasadda, jihada uu dalku u socdo, iyo doorka ay Dowladda Jubaland ka qaadan karto xal u helidda arrimaha cakiran ee ka taagan dalka.
Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixisay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Dowladda Jubaland, oo kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka (CXD), ka fuliyeen Gobolka Jubada Dhexe, kuwaas oo laga gaaray guulo la taaban karo.
Dhanka kale, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda adag ee ka dhalatay abaaraha ka jira deegaannada Jubaland, iyo dadaallada socda ee lagu yareynayo saameynta abaarta, iyadoo la soo bandhigay shaqooyinkii ilaa hadda qabsoomay iyo dadaalada ay wadaan guddiga gaarka ah ee gurmadka abaaraha .