
Guddoomiyaha Gudiga Abaaraha, ahna Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq oo ay weheliyaan xubnaha gudigga gurmadka abaaraha, ayaa yeeshy kulankoodi labaad oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa abaaraha soo-noqnoqday.
Intii uu socday kulanka waxaa lagu soo bandhigay xadiga abaaraha ka jirta deegaanada Jubaland, iyadoo dhanka kale gudigu uu iclaamiyay Soon saddex bari ah, iyo in Khamiista roob doon (isu soo bax) la sameeyo, kaas oo Alle looga dalbanayo naxariistiisa iyo inuu ka dul qaado abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada Jubaland.
Shirka oo guud ahaan la isku weedaarsaday doorka Culimada, Ganacsatada iyo talaabooyinka ilaa hadda ay qaaday, si loo caawiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, ayuu Guddoomiyaha Gudiga Abaaraha, ahna Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq ka sheegay in abaarto ay baahsan tahay, loona baahan yahay talaabooyinka deg deg ah oo loo qaado wax ka qabashadeeda.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







