Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo tababar ku saabsan maaraynta nafaqo darada uqabatay qaar kamid ah shaqaalaha wasaarada

0
259
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa furay tababar ku saabsan maaraynta nafaqo darada, kaas oo loo qabtay shaqaalaha caafimaadka ee ka kala yimid gobollada Jubbada Hoose, Gedo, iyo Bakool tababarkaas oo socon doono mudo 3dexmaalmood ah.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Madaxa Nafaqada ee Wasaaradda, Dr Abdi shakuur Abdirashid, Isku-duwaha Caafimaadka Gobolka Jubbada Hoose Abdirisaq jaamuus iyo wakiillo ka socday hay’adda world vision.
Tababarkan oo ay taageerayso hay’adda (World Vision), ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha si ay ugu adeegaan carruurta iyo hooyooyinka ay saameysay nafaqo darada.
Agaasimaha oo daah furka tababarka ka hadlay ayaa waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay cilmiga ay tababarka ka bartaan in ay ogu shaqeeyaan bulshada.