Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo la wareegay Galcad

400

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee hubka qaatay  ayaa Maanta Al-Shabaab kala wareegay  dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo tobanaan sano ah ay maamulayeen.

Ciidamada ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka waday tuulooyin u dhow degmada Galcad basle ugu dambeyn Maanta ay gudaha u galeen kadib markii iyada oo aan wax dagaal ah dhicin ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa duqeymo diyaaradeed ay ka dhaceen degaano hoostaga degmada Galcad, taas oo lala beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegeen inay Arkeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo wata hub farabadan, kuwaas oo galayq eybo kamid ah degmada.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee hubka qaatay ayaa saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii guud ahaan Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud,