
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka isku duwidda ee u dhaxeeyay Wasaaradaha Dowladda Jubbaland.
Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradd Arrimaha Gudaha Dowladda Jubbaland, ahna Madaxa Xasilinta ee Wasaaradda, Mudane Xaaji Cabdiwaaxid Xaaji, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdi Cabdulaahi Raabi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland, Mudane Cabdullaahi Axmed Caweer iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Jubbaland, Mudane Maxamed-wali.
U jeedada kulanka ayaa daaranaa kor u qaadista wada shaqaynta iyo isku dubaridka dowlad-wanaaga iyo adeeg bixinta bulshada deeganada Dowladda Jubbaland.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







