Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland oo Ka Qayb Galay Shir Heer Qaran oo ku Saabsan Ilaalinta Xuquuqda Carruurta ee Colaadaha Hubeysan

0
93

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland, Mudane Xareed Kilas Cabdi, ayaa  magaalada Muqdisho kaga qayb galay shir heer qaran ah oo diiradda lagu saarayay caruurta ku lug yeelata colaadaha hubeysan, iyo sidii loo heli lahaa nidaam mideysan oo lagu ilaalinayo xuquuqdooda, laguna yareynayo khatarta ay ugu jiraan in ay ku milmaan kooxaha hubeysan.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda carruurta, ayaa waxaa ka soo qayb galay madax sare oo ka kala socotay:
• Wasaaradaha Amniga ee dowlad-goboleedyada,
• Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka
,
• Hay’adaha xuquuqul insaanka,
• Iyo Ururka Qareenada Soomaaliyeed, oo door muuqda ku leh la socodka iyo difaacista xuquuqda carruurta.
Inta uu kulanku socday waxa si qoto dheer looga dooday:
• Saamaynta colaadaha hubeysan ee carruurta ku yeeshay, gaar ahaan diyaarinta diiwaanno rasmi ah oo lagu ogaanayo baahiyaha degdegga ah ee carruurta ay saameeyeen colaadaha.