
Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha Dowladda Jubbaland Marwo Fadumo Cali Cabdikariin ayaa Kulan Sagootin iyo Casha sharaf u sameesay Gorsoore Cumar Cabdiqaadir Carte oo Maalmo ka Hor Soo Gaarey Magaaladda Kismaayo si uu tababaro iyo Aqoon kororsi u siiyo Garsoorayaasha Ciyaartooyda Jubbaland.
Martiqaadka waxaa kasoo Qayb Galay qaarkamid ah Gollaha wasiirada Xildhibaano Iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyada iyo Ciyaaraha, Isku Duwaha Gobolka Jubbadda Hoose Wasaarada Tamarta Kheyrdka Biyaha Gollaha Dhalinyarada Jubbaland Gudoomiyaha Ururka Kubadda Cagta Ee Jubbaland si ay Qayb Uga Noqdaan Soo Dhaweenta Diiran Ee La Sameeyay Garsoore Cumar Cabqaadir Carte,
Masuuliyiintii kasoo qeybgalay Madasha ayaa ku amaanay Garsoore Cumar Carte Magaca uu usoo jiiday Umada Soomaaliyeed iyo safarkiisa kismaayo oo guul ahaa Reer Jubbaland maadaama ay Ciyaaraha Caan ku yihiin.
Garsooraha ugu wanaagsan qaarada Afrika Cumar Carte oo dhawaan bilad sharafteed la siiyay ayaa safarkiisii koowaad ku yimid Kismaayo isagoo Tababaro siinayay Bahda Garsoorka Ciyaartooyda Jubbaland kuwaasi oo ka faa’ideestay Aqoontiisa ku aadan u garsoorida Ciyaartooyda xiliyada ay Ciyaarayaan.









