
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Jubaland waxay ku wargelinaysaa gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Jubaland in la furay deeq waxbarasho jaamacadeed oo heerka labaad (Master’s Degree). Deeqdan oo qayb ka ah Mashruuca Rajo Kaaba oo iska kaashanaya Wasaaradda iyo Bangiga Adduunka, waxa ay fursad muhiim u tahay kobcinta aqoonta, xirfadda shaqo iyo ka qeybgalka hoggaanka ee gabdhaha Soomaaliyeed.
Deeqdan oo ay ka faa’iideysan doonaan 250 gabdhood, waxaa lagu baran doonaa 15 takhasus oo ka jawaabaya baahiyaha aqooneed ee dalka, gaar ahaan: Waxbarashada, Culuumta Deegaanka, Hoggaaminta iyo Hal-abuurka, Tiknoolajiyadda, Sayniska iyo Culuumta Bulshada. Barnaamijka waxaa fulinaysa Jaamacadda Kenyatta oo kaashanaysa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Shuruudaha Is-diiwaangelinta
1. Waa in ay tahay gabar muwaadinad Soomaaliyeed oo leh aqoonsi qaran (Passport)
2. Inay hayso shahaadada jaamacadeed ee heerka koowaad (Bachelor’s) iyo shahaadada dugsiga sare oo ay aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada Jubaland.
3. Inay ka gudubto imtixaanka/qiimaynta Afka Ingiriisiga ee ay qaadayso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
4. Inay doorato takhasus ku xira shahaadada ay hore u qaadatay, islamarkaana celceliskeedu uusan ka yarayn 2.7.
5. Deeqda waxaa la bixinayaa marka ay hesho oggolaanshaha jaamacadda.
6. Waa inay soo gudbisaa warqad sharaxaysa sababta ay u rabto deeqda, baahideeda dhaqaale, yoolalka tacliimeed iyo xirfadeed, iyo saameynta la filayo.
7. Deeqdu waxay u furan tahay haweenka ka shaqeeya dowladda iyo qaybta gaarka loo leeyahay.
8–9. Waa in ay keenaan warqad taageero (recommendation letter) oo ka soo baxda xafiiskooda, ha ahaato hay’ad dowli ah ama mid gaar loo leeyahay.
8. Dhamaan warqadaha (Recommendation & Intent Letters) waa inay ku qornaadaan Af-Ingiriisi.









