Wasaaradda Kalluumeysiga Jubbaland oo Kormeer iyo sahmin ku tagtay Goob Looga Talo Galay in Deked Macmal ah Laga Hirgelinayo.

0
54
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Jubaland, Axmed Cumar Xasan oo ay weheliyaan wasiiro, xildhibaano Iyo
Guddoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Cumar Cabdullahi Maxamed (Faraweyne), Maareeyaha Dekedda Kismaayo Axmed Haaji iyo injineerro, ayaa maanta kormeer iyo sahmin ku tagay goob ay wasaaraddu qorsheynayso in laga dhiso deked macmal ah oo ay isticmaalaan doomaha yaryar ee kaluumaysatada Jubaland.
Ujeeddada mashruucan ayaa ah in lagu hagaajiyo nidaamka shaqada kaluumaysiga iyo in kor loo qaado wax-soo-saarka kaluumaysatada reer Jubbaland
Injineerrada iyo wasiirka ayaa isla meel dhigay in goobta la booqday ay ku habboon tahay dhismaha dekedda ama marsada macmalka ah waxaan horey goobta in laga hirgaliyo dekada macmalka ah soo jeediyey Guddiga Iskaashatada Kalluumaysatada Jubaland, iyadoo la isla qaatay in halkaasi ay tahay meesha ugu habboon.
Mashruuca Badmaal wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Dowlad Goboleedka Jubaland ay ku horumarinayso wax-soo-saarka iyo adeegyada kaluumaysatada gobolka.