Wasaaradda Cadaalada Jubbaland oo Dhoobley ka furtay tababar ku saabsan wadaxaajoodka iyo horumarinta caddaaladda

0
40
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Dowlad  Jubbaland ayaa  degmada Dhoobley ka furtay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saaray curinta wadaxaajoodka bulshada iyo bahda caddaaladda. Tababarkan, oo qayb ka ah dadaalka dowlad-goboleedku ku horumarinayo hanaanka cadaaladda iyo xallinta khilaafaadka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ka qaybgalayaasha tababarka waxaa ka mid ahaa odayaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, xeer-ilaalinta, waaxda CID, iyo maamulka degmada Dhoobley, kuwaas oo dhammaantood door weyn ku leh xallinta khilaafaadka iyo ilaalinta amniga bulshada.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in lagu kobciyo xirfadaha iyo fahamka ku saabsan wadaxaajood wax-ku-ool ah, si bulshada iyo hay’adaha caddaaladdu ay u yeeshaan awood ay si wadajir ah ugu wajahaan khilaafaadka, una gaaraan xalal nabadeed oo waara.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa sheegtay in tababarkani uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo kalsoonida bulshada iyo hay’adaha caddaaladda, isla markaana lagu horumarinayo iskaashiga labada dhinac, si loo abuuro jawi nabdoon oo ku dhisan wadatashi iyo wadafahamsi.
Tababarka ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto xoojinta hannaanka cadaaladda, kor u qaadista wada shaqeynta bulshada iyo dowladda, iyo horumarinta nabadda guud ee degmada Dhoobley.