
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, Mudane Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa si rasmi ah u furay kulanka saddex-biloodle ee Reproductive Health Working Group (RHWG), kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadka, caqabadaha jira, iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee la xiriira caafimaadka taranka, hooyada iyo dhallaanka.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayay kor u qaadista adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, iyada oo xoogga lagu saaray sidii loo yareyn lahaa dhimashada hooyooyinka iyo caruurta isla markaana loo xoojin lahaa adeegyada daryeelka caafimaad ee dalka.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Waaxda Adeegyada Caafimaadka, Mudane Ismaaciil Cali Maxamuud, Madaxa Caafimaadka Taranka Marwo Najmo Cabdiqadir, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, iyo bahwadaagta hay’adaha caafimaadka ee ka howlgala Jubaland.















