
Wafdi ballaaran oo ka socda Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada fedraalka gaar ahaan masuuliyiinta Wasaaradaha Arimaha gudaha iyo Federaalka ayaa manta si ween loogu soo dhaweeyay magaalada kismaayo.
Hordhaca waftiigaan ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubaland, Mudane Cabdiwaaxid Maxamed Dhaqane oo ay wehliyaan howlwadeenada Wasaaradda.
waftigan ayaa Kismaayo kaga qayab gali doona Shirka Qiimaynta dadaalada qaran ee Xasilinta iyo deg-deg usoo kabashada (Aqoon iswaydaarsi), kaas oo ay marti galineyso Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubaland.















