Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland oo ansixisay Qorshaha Shaqo Sanadeedka iyo Miisaaniyadda Kismaayo

0
190
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay kulanka Ansixinta Qorshaha Shaqo Sanadeedka iyo Miisaaniyadda Degmada Kismaayo, oo ku salaysan Buugga Horumarinta Degmada.
Munaasabadda lagu ansixinayay Buugga Horumarinta Degmada Kismaayo waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland, Guddoomiyaha Degmada Kismaayo, Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Jubbada Hoose, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulankan ayaa u jeedadiisu ahayd
in la xaqiijiyo, lana mideeyo qorshaha shaqo sanadeedka degmada, si loo hubiyo in miisaaniyadda, qorshe-hawleedka, iyo mashaariicda horumarineed ee sanadka soo socda ay u socdaan si hufan oo waafaqsan Buugga Horumarinta Degmada.