
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubaland H.E Abdinasir Serar Mah ayaa xafiiska Wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda GIZ-Somalia oo uu hoggaaminayey Kai-Uwe Steger.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo GIZ, iyadoo laga wada hadlay horumarinta mashaariicda waxbarashada, tayeynta maamulka, iyo ballaarinta adeegyada waxbarasho ee ka socda deegaannada Jubaland.
Intaas kadib, wafdiga ayaa booqday Dugsiga Farsamada Gacanta ee Jubaland oo ah dugsi muhiim u ah xirfadaha dhallinyarada isla markaana hore ay u maalgelisay hay’adda GIZ.






![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







