
Waxaa si rasmi ah deegaanka Janna-Cabdalle booqasho shaqo oo muhiim ah ku tegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Jubbaland ahna kusimaha Madaxweynaha Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan labada golle ee dowlada Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Gudoomiyaha Degmada Kismaayo, Taliyaha Ciidanka Darawiishta Jubbaland, iyo saraakiil ciidan oo kale.
Ujeedada booqashadan ayaa ahayd kormeer iyo dardargelin ku saabsan mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka, si loo hubiyo tayada, hufnaanta, iyo sida ay ugu adeegayaan baahiyaha bulshada.
Guddoomiyaha gollaha wakiilada Jubbaland ayaa xarigga ka jaray dhismaha qeybta koowaad ee waddada jaayga ah ee isku xirta Buulo gaduud ilaa Degmada Afmadoow, taas oo hadda dhismahedu uu maraayo deegaanka Janna-Cabdalle.
Waddadan oo ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee shacabka iyo Dowlada Jubbaland ay si isku tashi ah u dhisayaan ayaa noqotay mid dhismahedu guul weyn laga gaaray.














