Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo Kormeer iyo Dhiirrigelin Ku Tagay Dugsiga Tababarka Duufan

0
241
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Jubbaland, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid, ayaa  booqasho dhiirrigelin iyo kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Duufan, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo ciidanka tababarka ku jira.
Intii lagu guda jiray booqashada, Taliyaha ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalkooda iyo sida ay ugu go’an tahay difaaca dalka iyo ilaalinta amniga shacabka Jubbaland.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay anshaxa, isku-duubnida iyo u adeegidda shacabka si daacadnimo ku jirto.
Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa sidoo kale kula dardaarmay ciidanka in ay sii wadaan tababarkooda si ay u noqdaan kuwo xirfad iyo karti sare leh, kuwaas oo door muuqda ka qaata sugidda nabadda iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.